Ugu horayn Real Madrid ayaa imtixaanka kowaad ku mari doonta garoonka Estadio San Mames oo ay sabtida ku booqan doonto kooxda Athletic Bilbao waana kulan uu Zidane ogyahay in kooxdiisa uu aad ugu adkaan doono balse ay ku qasban tahay in ay soo hesho saddexda dhibcood haddii ay doonayso in ay sii ilaaliso rajadeeda koobka La Liga.

Taariikhda San Mames ayaan ahayn mid u fiican Real Madrid iyada oo 7 dhibcood ka soo heshay afartii kulan ee ugu danbeeyay ee ay booqatay halka Cristiano Ronaldo uu wali awoodi wayay in uu hal gool ku dhaliyo San Mames, waana sabab ay Los Blancos kulankan u siin doonto muhiimad khaas ah.