Kooxda Man City oo u dhaqaaqeysa labadda laacib ee Van djik iyo Martinez

0
39

Kooxda heysa hogaanka Premier league ee Man City ayaa quuldareyneysa ey u dhaqaaqdo bisha kowaad ee sannadka cusub 2018 labadda laacib ee Van djik oo u ciyaara kooxda Southampton, laaciibkaan 26 jir ah ayaa wixii ka ciyaaraa daafaca dhexe. Kooxda liverpool ayaa saaid loola xiriirinaayey laacibkaan suuqii hore ee kala iibsiga ciyaartoyda, laacibka laftiisa ayaa kooxda ka dalbadey in loo ogolaado inuu ku biiro kooxda Liverpool, laakin kooxda southampton ayaa u ogolaan weydey maadama macallinka kooxda Liverpool oo si sharci daro ah kula xiriirey laacibkaan taas oo keentey in markii dambe Macalinka kooxda liverpool klopp iyo kooxduba raali gelin ka bixiyaan, lama ogona iney bisha kowaad ku soo laaban doonaan rabbitaanka ciyaaryahanka.

Martinez ayaa isna lala xiriirinayaa kooxda Man city kowda bisha kowaad ee sanadka cusub 2018 markaas oo suuqa kala iibsiga ciyaartoda uu furmi doono. Kooxda Man City ayaa u muuqata koox saaid iskula jaandaaqdey oo marba marka ka dambeyso dhismo weyn ku socda Macallinkii hore ee kooxda Barcelona Guardiola ayaa kooxda u sameeyey hanaan cusub oo ah baas isku dhufasho ah hanaankaas oo lagu yaqaaney qaab ciyaareedkii kooxda Barcelona.