Laacibka ree Spain ayaa carabka ku adkeeyay in Zinedine Zidane uu yahay tababaraha kaliya ee isaga ka dhigay inuu noqdo xidig muhiim ah, wuxuunauu sheegay sidoo kale inuu taageera u ahaa macalinka ree France, waayihiisii uu ku dhax jiray kubada cagta, tan iyo markii uu yaraa.

Isco ayaa ugu horeyn la hadalkiisa war baahinta ku bilaaway: “Zidane wuxuu Isiiyay fursad aan ku noqon karo xidig muhiim ah, waa macalinka kaliya ee iga ciyaarsiiyay booskeyga saxda ah, aad ayaan u faraxsanahay sababtoo ah waxaan heystaa kalsoonidiisa markaan ku gudi jiro gudaha garoonka”.

Xidiga ree Spain ayaa wuxuu hadalkiisa intaa sii raaciyay: “Marka uu Zidane ku dhax jiray kubada cagta waxaan ahaa da’yar, waxaan isku dayey inaan diirada saaro waxa uu kubada cagta ka sameenayo, inta badan dhaqdhaqaaqiisa wuxuu ahaa waa mid cajiib ah ee isagu qaas u ahaa”.